UHADAL SIDA TED (TALK LIKE TED)

U hadal sidaan okale

buuga lamagac baxay “u hadal sida TED” waa buug aad u muhiimsan kana hadlaya mawaadiic xasaasi ah ee hormarinta fagaara kahadalka iyo sida aad iskaga dhisi laheyd xirfadaha nuucaas ah, kahor inta aanan buuga mawaadiicdiisa ugalin gudaha waxaa rabaa inaan waxyar idin biyaaniyo erayga TED oo laga soo gaabiyay (Technology Entertainment and Design ) oo ah xaruun lagusoo bandhigo dadka hal abuurada leh ama wax kusoo kordhiyay dunida daafaheeda kala duwan, hadii aan dib ugu soo laabano muuhiimadeena oo ah kahadka qodobad ugu muhiimsan buugan waxaana kamid ah:

  1. kahadal waxa aad jeceshahay – qodobkani waxa uu xooga saarayaa marka aad dooneyso inaad umad hor istaagto oo aad wax usheegto iney noqdaan wax aad adiga jeceshahay eyna kamuuqato dareenkaaga si dadka kale dareenkooda usoo jiidato horaa loo yiri ma dareen godlinkareysid dadka kudhageysanaya hadiiba adiga dareenkaaga kacsaneen.
  2. Adeegso sheeko sheegid – qodobkani sidoo kale waxa uu xooga saarayaa marka aad ka hor hadleyso umad unajeedineyso mowduuc aad jeceshahay waxa lagama maarmaan ah inaad kudarto sheekooyin si ee u fududaato in ee dadku kufahmaan waxa aad kahadleyso una maamushid dareenkooda , dadka ku xeeldheer hadal jeedin ayaa kawarama in marka aad daldalsho erayo farabadan oo kusaabsan mowduuca aad kahadleyso in ee shidanto maskaxda bini aadamka qeybta luqadaha balse markaad kudarto sheeko sheegid iney furanto qeybta muuqaalada, araga iyo dareenada kale duwan ee muhiimka u ah fahamka qofka.
  3. Si wacan u diyaari – waa qodob aad u muhiim ah hadal jeedinta oo ladoonayo inaad ahaato qof diyaarsan marar badana isisoo hubiyay inta uusan dadka soo hor istaagin, dadka ku xeel dheer arimahaan ayaa kutalinaya in qofka isisoo tijaabiyo, anagoo katixraaceyno awooda ee leedahay technology yada maanta xooliga ku socda in qofku uu awoodo in uu iska duubo kadibna dib isku daawado si uu u ogaado meelahan uu kaleeyahay nusqaanta.
  4. Ibar wax cusub – waa qodob leh muhiimadiisa waana qodob kaa caawinaya in aad dadka soo jiidato balse lagaa doonayo inaad hadal jeedintaada uu noqdo mid laga faa,iido wax cusub ama aad u fahamsiso wax ee horay ufahamsanaayeen habkii hore hab kafudub , maskaxdu waxey soo deysaan dheecaan loo yaqaan dobamain kasoo siisa qofka dareen macaan oo qaboob isla markaana qofka jecleesineysa inuu dib u raadiyo sheyga uu dareenka kaqaaday sidaa darteed qaabkaas ayaa soojeedintaada kadhigi karta wax xiisa leh.
La wadaag Asxaabtaada

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *